Dhul gariir ka dhacay Dalka Afghanistan

0
264

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ugu yaraan 22 qof, ayaa ku dhintey illaa iyo hadda, kadib dhulgariir xiriir ah, oo ka dhacey galbeedka Afghanistnan Isniintii, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sida laga soo xigtey hey’adda saadaasha hawada ee Mareykanka, ayaa dhulgariirku wuxuu gaarayey cabirkiisu 4.9 illaa iyo 5.3. Wuxuu saameeyey gobolka waqooyi galbeed ee Badghis, taasoo sababtey iney dumaan guriyo iyo dhismayaal.

Afhayeen la hadley wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in afar caruur ah ay ku jiraan dadka meydkooda laga helay burburka.
Wuxuu intaa ku dary in ka badan 700 oo guri iney burbureen.

Dhulgariirku wuxuu burbur u geysan karaa Afghanistan, halkaasoo aan guryo badan aan si habboon loo dhisin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here