Dhoofinta shidaalka Sacuudiga oo hoos u dhacay

0
242

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dhoofka shidaalka Sacuudiga ayaa sanadkan hoos u dhacay boqolkiiba 62. Warbixin rasmi ah oo ay soo saartay waaxda dalkaasi u qaabilsan xog ururinta ayaa lagu sheegya in dakhliga ka soo xarooday dhoofka shidaalka boqortooyada uu noqday 74.8 billion riyaal ($19.9 bilyan) bilaha ugu horreeya sanadkan.

Dhoofka saliidda cayriinka ah ee Sacuudiga, oo ah dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya shidaalka, ayaa hoos u sii dhacayay iyadoo uu yaraaday dalabka dunida ka imaanaya, sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa shaacisay in sicir bararka dalkaas uu gaaray 6.1 boqolkiiba bishii July, isagoo bil kahorna ahaa 0.5 boqolkiiba.
Ururka Dalalka Dhoofiya Shidaalka ee (OPEC) iyo dalalka xulafada la ah, ayaa dhimay iibgeynta shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here