Dhismaha Dekada Baraawe oo Maanta La dhagax dhigay

0
117

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynaha Dowlada KG Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dhagax dhigay Dhismaha Dekeda Magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed KG Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  ayaa sheegey in dhismaha Dekadda ay ka qeyb qaadan doonaan ganacsato waa weyn oo ay qeyb ka yihiin kuwa ka soo jeeda gobolada KGS.

Sidoo kale Madaxweyne lafta-gareen ayaa sheegey in dhismaha Dekaddaan muhiim ay u tahay guud ahaan KGS oo ay ka soo gali doonto dhaqaalo lagu horumarinaayo KGS, Wuxuuna baaq udiray shacabka gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan kuwa Baraawe in ay la shaqeyaan maamulka Degmada.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here