Wasaaradda Howlaha guud iyo guriyeynta koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxay Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka bay tawabar ugu furtay Dhalinyaro ka kala socda degmooyinka koonfur galbeed iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi.tawabarka ayaa diirada lagu saareyey naqshadeynta Magaalooyinka, waxaana ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socda wasaarada iyo marti sharaf kale.
ugu horeyntii ayaa waxaa tawabarka ka soo qeybgaliyaasha uga warbixyey Agaasimaha guud ee wasaarada Howlaha guud iyo guriyeynta koonfur galbeed soomaaliya Yusuf Axmed Maxamed isagoona bulshada ugu baaqay in ay ka faaideystaan tawabarka loo qabtay