Dhegeyso:-Gudoomiyaha Xirirka soomaaliyeed ee kubada cagta oo kulan dhiiragelin ah u sameeyey xulka ciyaartoyda 15jirada ee Soomaaliya.

0
342

Gudoomiyaha Xirirka soomaaliyeed ee kubada cagta Abdiqani Siciid Carab, ayaa kulan dhiiragelin iyo baraarujin u sameeyey xidigaha 15jirada xulka qarankeena Soomaaliya ee ka qeybgaleya ciyaaraha 15jirada eek u qabsoomeya wadanka Eretria, waxeyna dhalinyaradaan fursad u heleyaan markii ugu horeysay in ay metelaan dalkeena.

Macalin Abdirahman Ahmed Tereya oo ah tawabar ku xigeenka xulka da,yarta 15jirada ayaa ka warbixyey tawabaradii kala duwanaa ay qaateen iyo dadaalka ay dhalinyaradaan ku bixyeen madaxda xiriirka soomaaliyeed kubada cagta.

Cod

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta soomaaliyeed Abdiqani siciid Carab ayaa faafaahin ka bixyey waxa uu kulankan ugu talagalay isagoona dhinac kale dardaaran adag u jeediyey dhalinyarada xulka 15jirada ee ka qeyb galeya ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhaceyaan Wadanka Ereteria.

Cod

Dhanka kalena wuxuu shacabka iyo ganacsatada fariin ugu direy in la taageero dhalinyaradaan dalka matali doono.

cod

Anas Maxmuud Axmed oo ah kabtanka koxdan iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda ayaa madaxda xiriirka kubada cagta soomaaliya kaga mahadceliyeen dadaalka ay ku bixiyeen, sidoo kalena sheegeen in ay guulo waaweyn ay u soo hooyin doonaan dalka.

Cod

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here