Dhaqaatiirta Cisbitaalka Gobolka Baay Oo ku guuleystay in ay qaliin Caloosha ah ay u sameyaan Wiil yar oo Umul ah

0
171

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waa dhif iyo naadir in lagu guleysto qaliinadaan oo kale ee lagu sameeyo caloosha gaar ahaan qaliinada carruurta lagu sameeyo.

Dhaqaatiirta isbitaalka gobolka baay ee Magaalada Baydhabo oo hor kacaayay Dr. Abdullahi Hassan Hussein (Dr.sheegow) Dr.Abdullahi Yusuf (Medical coordinator) ayaa ku guleystay in ay wiilkaan yar u sameyaan qaliinkaan caloosha ah.

Kiisaskaani oo kale ayaa badan kooda loo qaadi jirey Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale iyadoo weliba ay adag tahay in dadkaasi ay iska bixiyaan qarashka ku kacaayo qaliinka iyadoo weliba qoyskaan wiilkooda qaliinka loogu sameeyey isbitaalka gobolka baay ay yihiin kuwo danyar ah oo aan awoodin in ay maanta qarashkaasi ay bixiyaan.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here