Dhaqaatiir fuliyay qalliinka wadnaha xilli uu dab ka holcayay dhismaha ay ku jireen

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Koox dhaqaatiir ah oo ku sugan isbitaal ku yaalla Ruushka ayaa ku guuleystay inay dhammeystiraan qalliin furan oo wadnaha ah oo ay ku sameynayeen bukaan iyadoo dab damiyeyaashuna ay la tacaalayeen daminta dab xooggan oo ka kacay saqafka kore ee dhismaha.

In ka badan 120 qof ayaa laga saaray dhismaha mana jiraan dad ku dhaawacmay dabka oo ka kacay isbitaalka Blagoveshchensk ee ku yaalla bariga fog ee Ruushka.

In dhaqaatiirtu ay qalliinka sii wataan waxaa u fududeeyay xargaha dabka ee dabaqa hoose ee qolka tiyaatarka oo shaqeynayay iyo marwaxadaha oo qiiqa dibadda u saarayay.

Bukaankii qalliinka wadnaha lagu sameyay ayaa goor dambe laga saaray dhismaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here