Dhaqaalaha adduunka oo la saadaalinayo in sanadkan cusub uu ka sii liidan doono sanadkii tagay

0
109

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Saddex meelood meel ka mid ah dhaqaalaha adduunka ayaa sanadkan hoos u dhaci doono sida ay ka digtay madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in 2023 uu “ka adkaan doono” sanadkii hore iyadoo Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha ay u arkaan in dhaqaalahooda uu gaabis yahay.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dagaalka Ukraine uu weli sii xoogaysanayo. Bishii Oktoobar IMF waxay joojisay saadaalinta kobaca dhaqaalaha adduunka ee 2023.

“Waxaan filaynaa in saddex meelood meel dhaqaalaha adduunka uu ku jiro hoos u dhac,” ayay Ms Georgieva ka tiri barnaamijka wararka ee CBS ee Face the Nation.

“Xitaa wadamada aan hoos u dhac ku jirin, waxay dareemi doonaan hoos u dhac ku yimaada boqolaal milyan oo qof,” ayay raacisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here