Dhalo 140 sano meel taalay oo lagu iibsaday 120 kun oo Doolar

0
365

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Mid ka mid ah dhalooyiinka ugu da’da wayn ama ugu qadiimisan oo ay ku jirto khamriga loo yaqaano Cognac ayaa lagu iibsaday lacag dhan 120 kun oo doolar ka dib markii la geeyay suuqa xaraashka.

Dhaladan ayaa lagu iibiyay qaaba xaraash ah oo Online ah.

Dhaladan ayaa waxay soo jirtay ilaa iyo sanaddii 1762 waxaana 140 sano lagu hayay qolka qoys ku nool dalka UK.

Dhaladan waxaa iibsaday shirkad laga leeyahay Eesshiya taasi oo uruurisa waxyaabaha qadiimiga ah islamarkana waxay noqotay dhaladii ugu qaalsanayd ee u ku jiro dareeraha.

Dhaladan waa mid ka mid ah saddex dhalo oo ay ku jiraan khamriga loo yaqaano Cognac ee ilaa iyo imika jira islamarkana qadiimiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here