Dhalinyarada Ciyaarta Kubadda Koleyga Ee Degmada Xudur Oo Dalbaday in dib Loogu Dayactiro Garoonka ay Ku Ciyaaraan.

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)-kubada koleyga waxa ay ka mid tahay ciyaaraha loogu xiisaha badan Yahay dalka Soomaaliya marka loo eego dhanka ciyaarista kubadaha, Degmada xudur ee xaruunta Gobolka Bakool waxaa ku yaala garoon lagu ciyaaro kubadaasi.

Garoonkan ayaa ka mid ahaa garoomadii ay dowladii dhexe ee dalka ay ka hirgelisay halkaasi tan iyo burburkii dalka ma jirin wax dayactir ah oo uu helay balse weli waxaa Jira xiiseeyaal kubadda koleyga ah oo galab walba si iskooda ah isaga ciyaara ayagoona Mar un rajo ka qaba iney helaan dayactir garoonka looguu sameeyo.

Warkan waxaa inoo haya Bishaar Mayow Muktaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here