Dhakhtar Ookiyaale khaldan u qoray bukaanno kala duwan oo shaqadii laga joojiyay

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Nin dhakhtar ah oo ku takhasusay cudurrada indhaha ayaa dalka Australia muddo sanad ah lagala noqday ruqsaddii uu ku shaqeynayay kaddib markii la ogaaday in si ula kac ah uu wax uga badalay cabbirka Ookiyaaleyaal ama muraayadaha indhaha oo ay gabar dhakhtar ah u qortay bukaanno kala duwan.

Ujeedada dhakhtarkan oo lagu magacaabo Ashok Bhoola ayaa lagu sheegay in ay ahayd in uu dhaawaco sumcadda iyo aqoonta gabar dhakhtar ah oo ay meel ka wada shaqeynayeen.

Maxkamad gaar ah oo baaraysay dhacdadaasi ayaa ogaatay in Ashok Bhoola uu si qarsoodi ah wax uga badalay cabbirka indhaha qiyaastii 410 qof oo gabadhaasi ay Ookiyaale u qortay, kuwaa oo intooda badan soo celiyay kaddib markii ay ogaadeen in cilladi ay jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here