Dhakhaatiirta Zimbabwe oo Ka Gadooday Hadal Ka soo Yeeray Xukuumadda

0
281

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dhakhaatiirta dalka Zimbabwe ayaa ka gadooday hadal ka soo yeeray afhayeenka xukuumadda dalkaas oo dhakhaatiirta ku tilmaamay “Gacan ku-dhiiglayaal Caafimaad”.

Afhayeenka xukuumadda Zimbabwe Nick Mangwana ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “Waxaa jira arrimo shirqool ah oo aan aad uga xumaannay kuwaas oo ay fuliyeen dhakhaatiir gacan ku-dhiiglayaal ah”

Hadalka masuulkan aya yimi kaddib markii masuuliyiin waaweyn oo dalkaasi u dhalatay ay u geeriyoodeen xanuunka Covid-19.

Bahda caafimaadka Zimbabwe ayaa kalmaddaas ka soo yeertay afhayeenka xukuumadda si weyn uga carooday.

Iskaashatada ay ku midaysanyihiin bahda caafimaadka dalkaas oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in ay aad uga xunyihiin in masuul ka tirsan xukuumadda uu tilmaamaha ceynkaas ah u adeegsado dhakhaatiirta naftooda halista u gelinaya badbaadada bukaannada dalka Zimbabwe.

Ilaa saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda Zimbabwe ayaa u geeriyootay xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku haya dalkaas.

Wadarta tirada guud ee kiisaska Korona ee dalkaas laga diiwaangeliyay ayaa kor u dhaaftay 28,675 oo ay ku jiraa 825 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here