Dhageyso:-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa Koonfur Galbeed oo dahfurey tababar ku saabsan daaweynta xoolaha.

0
290

Tawabar ku saabsan sidii loo daaweyn lahaa xoolaha nool kaasi uu socon doona mudo 20 beri ah ayaa waxaa magaalada Baydhabo loogu qabtay qaar ka mid  ah bulshada Degmada buur hakaba ee gobalka baay iyo tuulooyinka hoos yimaada, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada koonfur galbeed soomaaliya iyo Hay,adda ACTED.

Madaxa Hey,adda Acted koonfur galbeed Maxamed nuur rooble cusmaan ayaa ugu horeyntii sharxay tawabarkaan waxyaabaha uu ku saabsan yahay, sidoo kalena sheegey in tawabaro kale horey u qaateen.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha maamulka koonfur galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa kula dardarmey xirfadliyaasha daaweynta xoolaha in ay tawabarkaan ka faaideystaan, bulshada deegaankana ugu adeegaan, sidoo kalena wuxuu hay,addaha ka codsaday in ay deegaanada qaar ee koonfur galbeed fursad loo siiyo  si ay iyaguna uga faaideystaan daaweynta xoolaha maadaama dadka deegaanada koonfur galbeed ay u badan yihiin xoola dhaqato.

Ma ahan markii ugu horeysay oo tawabar noocaan ah oo kaleeto loo qabto xirfadliyaasha daaweeya xoolaha oo ay ka yimaadaan degmada buur hakaba oo ah degmada ugu tuulada badan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here