Dhageyso: Tababar Labo Maalin Socday Oo Loo Qabtay Xildhibanada Goliyaasha Degmooyinka Xudur Iyo Berdaale.

0
345

Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya ayaa kulankii sedaxaad ku qabatay magalada baydhabo ee xarunta gobolka baay, kaasi oo kusaabsanaa sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa xildhibaanada golaha degaanada ee kakala socdeen hudur iyo degmada berdaale ee gobolka baay.

Kulankaan oo ahaa midkii sedaxaad ee lagu qabto magalada baydhabo oo ay qeyb ka ahayeen dhamaan goliyaasha labadaasi degmo ayaa waxaa lagu baraayay goliyaasha in ay wax ka ogadaan doorka ay leeyihiin’in tababarkaani ay ku bartaan maamul wanaaga.iyo arimo kale oo kusaabsan horumarinta degaanka.

Tababarkaan oo magalada baydhabo loogu qabtay goliyaasha degmooyinka hudur iyo berdaale ayaa waxaa sharxaad ka bixiyay agaasimaha guur ee wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka koonfur galbeed Mustaf Hadafay.

Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa mudooyinkaani waxay waday dadaalo ku aadan sidii aqoonta goliyaasha degmooyinka hudur iyo berdaale wax loogu kordhin lahaa, waxaana jiray labo kulan kale oo lagu soo kala qabtay hudur iyo berdaale kuwaasi oo ay soo dhaweyeen xilidhibaanada laba degmo.

BY: Wariye Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here