Dhageyso:-Shir looga hadlayey sidii shaqa abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada konfur galbeed oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

0
305

Shirkan ayaa looga hadlaayey sidii shaqa abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada ku nool deegaanada koonfur galbeed soomaaliya waxaana ka soo qeyb galay hay,adaha ka howlgala deegaanada uu ka kooban yahay maamulka koonfur galbeed ayaa inta badan looga hadlay doorka dhalinyarada shaqa la,aanta ku heysato waxaana laga doodey in muhiimad la siiyo dhalinyarada loona sameeyo shaqa abuur, hormarinta xirfadaha iyo dhaqaalaha

Kulanka oo saacado badan socday kadib waaxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha koonfur galbeed Feysal cabdulaahi cali isagoona sheegey in shirka inta uu socday ahmiyad weyn la siiyey dhalinyarada koonfur galbeed.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada shaqada iyo shaqaalaha koonfur galbeed, waxaana inta badan dhalinyarada ka cowdaan dhibaatada shaqa la,aanta ka heysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here