Ardeyda Jaamacada BIU ee Baydhabo gaar ahaan kuliyada caafimaadka ayaa waxay deeq raashiin ah gaar siiyeen dadka ku jira Xaruunta dhimirka ee magaalada Baydhabo oo dhanka raashiinka aysan jirin hay,ad ka taakuleysa oo gacan ku heysa. deeqda ayaa isugu jirtay Masago, Saliid iyo kuwa kale. waxaana ka gudoomay Agaasimaha xaruunta dhimirka ee baydhabo isagoona ugu mahadceliyey ardeyda sida ay u dadaaleen, una soo caawiyeen walaalahooda xanuunsan ee dhimirka loogi jiro.