Dhageyso:- Munaasabad Loogu dabaal degeyey Sanad guuradii 1aad ee Radio Arlaadi oo Baydhabo ka dhacday.

0
407

Idaacada Arlaadi oo ah Idaacad bulsho FMka ah oo ka shaqeysa arimaha bulshada hadda ku taala Gobolka Baay  gaar ahaan magaaada baydhabo ayaa waxey ay taariikhdu marka ahyed 15/11/2018 lagu furey magaalada baydhabo

waxay Maamulka ,Wariyayaasha iyo Shaqaalaha Warbaahinta arlaado u dabaal degayaan Sanad guuradii 1aad oo ah maanta oo kale ku began tahay.

Idaacadani ayaa mudadii ay shaqeynaysay ee halka  Sano ah waxaa la oran karaa horomar la taaban karo waxay ka gaartey gudbinta Wararka iyo Barnaamijyada ay u baahan yihiin Bulshada deegaanta,taasoo shacabka ku nool degmada baydhabo ay ku amaaneen Maamulka iyo Wariyayaasha Idaacada arlaadi in ay door muhiim ah ay ka qaateen Wacyigelinta Bulshada ee ku aadan u adeegida Bulshada dhinacyada Nabada, hormarntooda islamarkaana ay muujiyeen dhabar adeeg iyo weliba is xilqaan dheeri ah.

Agaasimaha Idaacada arlaad abdirahman yusuf hassan oo ka hadlayey waxqabadkii mudada halka Sano ah ayaa sheegay in Idaacadu ay dabooshay adeegyo kale gedisan oo Bulshada ay u baahnaayeen,taasoo Warbaahinta la,aanteeda ayan marnaba Qabsoomi lahayn,waxaana xusud mudan doorka Idaacada hadda ay ku leedahay sidii gurmad u sameynta dadka ay waxyeelada ka soo gaartey Abaaraha kuwooda ku jira kaamamka baydhabo

Mar uu ka hadlayey waxyaabaha ay Qabato Idaacadu ayuu sheegay in ay ka mid yihiin Baahinta barnaamijyo bulshada ka hadla  oo Idaacada maalin iyo habeen ka oo soconaya labada gelin ee idaacada ,kuwaasi oo ay ku taxan yihiin dad ka badan ilaa kun ruux,Baahinta iyo la socodka Wararka iyo Wareysiyada dalka iyo dibada ,kuwoodii ugu dambeeyey.

Soo gudbinta Barnaamijyo faa,ido u leh bulshada oo maalinle iyo todobaadle oo ku saabsan Sida faa,idada Nabada,Waxbarashada,Caafimaadka,deegaanka iyo Beeraha,Ganacsiga,amuuraha Qoyska tiknoolajiyada iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah Bulshada ,iyadoo Idaacadana Maalintii iyo Habeenkiiba ay shaqeyso mudo ilaa 4 Saacadood,iyadoo Idaacaduna mudadaasi ay soo saartey Wariyayaal Qibrad u leh shaqadooda

Qaar ka mid ah qeybah akala duwan ee bulshada oo munaasabda sanad guurada 1aad ee idaacada ka soo qeyb galeen ayaa ka hadlay sida ay u arkaan idaacada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here