Dhageyso:-Maamulka Degmada Baydhabo oo la kulamey gabdhihii dhowaan loo magacaabey gadoomiyaasha arimaha bulshada xaafadaha Degmada baydhabo.

0
297

Waxa uu ahaa kulan ay isku baranayaan maamulka cusub ee degmada baydhaboiyo  gabdhihii dhawaan loo magacaawey gudoomiyaasha arimaha bulshada xaafadaha degmada baydhabo ee xaruunta gobalka baay, waxaana kulanka goob jog ka ahaayee gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo kan maaliyada ee degmada baydhabo waxaana sidoo kale ahaa mid looga hadlaayey sidii ay iskula shaqeyn lahaayeen gudoomiyaasha xaafadaha iyo kan maamulka degmada.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada degmada baydhabo Cabduqaadir Cali Xasan ayaa kulanka kadib warbaahinta la hadlay isagoona ka warbixyey ujeedada kulankan.

Qaar ka mid ah gabdhaha loo magacaawey gudoomiyaasha arimaha bulshada xaafadaha baydhabo ayaa dhankooda ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen iyaga iyo maamulka degmada.

Wasaarada Arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisinta koonfur galbeed ayaa maamul cusub 26 bishii 9aad u magacawdey degmada baydhabo kaasi oo duqa degmada  loogu dhigay  Xasan Macalin Axmed (Biikole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here