Dhageyso:- Ku dhawaad 200 Arday agoon ah oo loo sameeyey baaritaano caafimaad iyo daawooyin la siiyey.

0
451

Ku dhawaad 200qol arday agoon ah oo ku jira xerada dhaha ee xaafada towgiiq ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa la gaarsiiyey daawooyin ayagoona ay adeegyadaasi cafaimaad uu fuliyey  cisbitaalka tiirow oo ku yaala degmada baydhabo, Waxaana caruurtaasi loo sameeyey baaritaano si loo daaweeyo .

Tiirow Hospital ayaa waday bilihii la soo dhaafay daawo qeybin loo sameyneya dadka barakacyaasha iyo kuwa ku nool goobaha aan ka soo dhaweyn xaruumo caafimaad oo lagu daaweeyo, waxaana arintaasi kala qeyb qaatay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada baydhabo.

Shaqada caafimaad ee koxda tiirow ay manta caruurta agoonta ah ay u sameeyeen kadib ayaa waxaa ugu horeyntii radio Arlaadi uga warbixyey Maamulaha guud ee cisbitaalka tiirow Dr Isxaaq Maxamed Tiirow

Dhanka kale Maxamed Xasan Maxamed Nuur waa Maamulaha madarsada Dhaha ee lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ayaa ka hadlay waxyaabaha ay soo gaarsiiyeen bahda caafimaadka ee tiirow

Ma ahan markii ugu horeysay ay doowo qeybin sameeyaan waa markii 7aad oo ay wadaan ololaha daawa qeybinta waxaana sidoo kale maamulka madarasada dhaha ay ku wareejiyeen bacda marka qofka dhinto lagu qaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here