Dhageyso:-Goobaha Ganacsiga Bardaale oo u xirmay daadad kusoo rogmaday

0
382

Wararaka laga helayo degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in daad ay kusoo rogmadeen Xaafado  katirsan degmadaas, iyaga oo saameyn ku yeeshay howlihii muhiimka ahaa ee Magaalada.

Daadadkaas ayaa waxaa ay ka dhasheen Roob maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay gaar ahaan deegaanka Goof-Gaduud Buureey iyo tuulooyin kale

Waxaa xiran inta badan Goobaha Ganacsiga ee degmada Bardaale,kadib markii ay  saameyn ku yeesheen daadadkaas, iyada oo dadka badi ku noolaa degmada Bardaale ay barakaceen.

Mas’uuliyin katirsan Maamulka degmada Bardaale ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan dadaalo ku aadan sidii Biyaha looga saari lahaa Magaalada,waxaana Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha gargaarka ay ugu baaqeen in dadka barakacay ay u gurmadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here