Dhageysiga Dacwada Man City Oo Maanta La filayo in ay bilaabato

0
31

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxda Manchester City ayaa u sheegay ciyaartoydooda in kooxdu aysan lumin doonin ‘tijaabada qarniga’ ee ka dhanka ah Premier League taasoo ugu dambeyntii bilaabaneysa maanta oo Isniin ah.

Kooxda heysata horyaalka ayaa wajahaysa 115 dacwadood oo la xiriira jebinta maaliyadeed ee lagu eedeeyay 2009 ilaa 2018, dhageysi madax banaan ayaana dhacaya.

Waa maxay 115ka dacwadood?

• 54 Eedeyn oo ah Ku guuldareysiga bixinta macluumaadka maaliyadeed ee saxda ah 2009-10 ilaa 2017-18.

• 14 Eedeyn oo ah Ku guuldareysiga in ay bixiso tafaasiisha saxda ah ee lacagaha ciyaartoyda iyo maamulaha laga bilaabo 2009-10 ilaa 2017-18.

• 5 Eedeyn oo ah Ku guuldaraysiga u hogaansanaanta shuruucda Uefa oo ay ku jiraan Financial Fair Play (FFP) 2013-14 ilaa 2017-18.

• 7 Eedeyn oo ah Jebinta Xeerarka Premier League ee PSR 2015-16 ilaa 2017-18.

• 35 Eedeyn oo ah Ku guuldareysiga in lala kaashado baaritaanada Premier League December 2018 – Febraayo 2023.

Intee in le’eg ayay dacwaddu soconaysaa?

Dhageysiga ayaa la filayaa in uu socdo ku dhawaad ​​10 todobaad, sida ay sheegayaan warbixinada warbaahintu, taas oo qaadaneysa dhamaadka bisha November.

Goorma ayaa la xukumayaa?

Marka dhageysiga la soo gabagabeeyo, ma jiri doono xukun degdeg ah.

Taariikhda saxda ah ee xukunka lama garanayo, iyadoo warbixinadu ay soo jeedinayaan kaliya go’aanka ‘horraanta 2025’.

Ma jiri doonaa racfaan?

Kiiskan noocan ahi ma aadi karo Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (Cas). Laakin labada dhinacba rafcaan way ka qaadan karaan iyo dhegaysi cusub, iyada oo guddi madax-bannaan oo cusub la diyaariyey.

City ayaa dacwad lagu soo oogay Febraayo 2023 ka dib baaritaan afar sano ah oo ay wajahday maxkamad gilgili karta isboortiga ilaa aasaaskeeda.

City waxa ay ku guuleysatay sideed horyaal tan iyo 2012, oo ay ku jiraan lix ka mid ah todobadii ugu dambeysay, xilli aan horay loo arag oo maamulka ah.

Dhageysiga dacwadda oo in muddo ah la sugayay ayaa la filayaa in uu socdo muddo 10 todobaad ah, iyadoo xukun lagu ridayo horraanta sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here