DEG DEG: Mid Ka Mid Ah Garoomada Ugu Magaca Weyn Yurub Oo Loo Bixiyay Diego Armando Maradona Stadium

0
420

Napoli ayaa si rasmi ah magaca uga bedeshay garoonkeeda caanka ahaa ee San Paolo iyagoo u bixiyay Stadio Diego Armando Maradona iyagoo ku sharafaya xiddigoodii ugu fiicnaa abid.

Halyeeyga Argentina ayaa geeriyooday isagoo 60 sanno jir ah 25kii bishii hore taasoo sababtay inay u baroordiiqaan dunida kubada cagta.

Kooxda si weyn uga murugootay geeridiisa waa Napoli oo uu ku hogaamiyay labo koob oo Serie A ah, UEFA Cup iyo Coppa Italia todoba sannadood uu joogay kooxda.

Madaxweynaha kooxda Aurelio De Laurentiis ayaa qirtay dhawaan inuu isku dayay inuu magaca garoonka u bixiyo Maradona 17kii sannadood ee ugu danbeysay.

Wuxuu u sheegay Sky Italia: “Waxaan wadahadal kula jiray maamulka dowlada hoose 17kii sannadood ee ugu danbeysay, waxaan mar walba weydiisanayay inaan iibsado garoonka oo aan u bixiyo Diego Armando Maradona.”

“Waa mid lagu aqoosanayo Maradona, xitaa haddii aan nasano garoon cusub, waxaan u bixin doonaa magaciisa.”

Wadar ahaan Maradona wuxuu u ciyaaray kooxda Talyaaniga 259 jeer isagoo u dhaliyay 115 gool, waxaana uu ahaa kabtanka kooxda.

Kumanaan ka murugoonaya geerida Maradona ayaa isagu soo baxay magaalada Napoli haveenkii uu geeriyooday geesigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here