DEG-DEG: Liverpool Oo Wadahadalo Heshiis Kordhin Ah La Furtay Jurgen Klopp.

0
421

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay Tababare Jurgen Klopp si ay heshiis cusub uga seexdaan tababaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Klopp ee haatan ayaa dhici doona xagaaga 2024 waxana si weyn loo hadal hayay in uu isaga tagi doono kooxda Liverpool marka uu dhoco heshiiskiisu.

Laakiin Liverpool ayaa u muuqata kuwo doonaya in ay sii haystaan tababaraha reer Germany iyaga oo wadahadalo heshiis kordhin ah la furay tababaraha.

Klopp ayaa dhankiisa la sheegayaa in uu jecelyahay kooxda isla markaas doonayo in uu guulo badan ku hogaamiyo kooxda Liverpool.

Isla wararka ayaa sheegaya in uu Jurgen Klopp ogolyahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here