DEG-DEG: Liverpool Oo Heshiis Wakhti Fog Ah Oo Cusub Ka Saxiixatay Fabinho.

0
254

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti fog ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Fabinho.

Xiddiga khadka dhexe ayaa qalinka ku duugay heshiiska cusub maalmo yar kadib markii uu ku soo laabtay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga reer Brazil ayaa laf dhabar u ahaa Liverpool tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda Monaco xagaagii 2018 isaga oo door weyn ka qaatay ku guulaysiga koobka Liverpool sanadihii ugu dambeeyay.

Xiddiga 27 jurka ah ayaa Liverpool u saftay 122 kulan tartamada oo dhan waxana uu haatan mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Liverpool.

“Waan ku faraxsanahay inaan heshiis cusub u saxiixay kooxda,” Fabinho ayaa u sheegay Liverpoolfc.com.

“Tan ilaa bilowgii wadahadalada waxa aan ku rajo qabay in ay arintan dhacdo waana wixii aan doonayay”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here