DEG-DEG: Jose Mourinho Oo Ku Soo Laabtay Shaqada Tababaranimo, Koox Weyn Ayuu Heshiis U Saxiixay.

0
255

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham Jose Mourinho ayaa heshiis Rasmi ah u saxiixay kooxda Roma si uu u noqdo tababarohooda cusub isaga oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Kadib markii ay kooxda Roma xaqiijisay in uu tababareheeda haatan ee Paulo Fonseca ka tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan waxa ay haatan xaqiijisay in uu Jose Mourinho noqon doono badalkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Jose Mourinho ayaa dhawaan laga caydhiyay shaqada kooxda Tottenham kadib markii ay kooxdu soo bandhigtay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Tababaraha reer Portugal ayaa ku laabtay Serie A-da oo uu horay tababare ugu soo ahaa kooxda Inter Milan waliba kula soo guulaystay horyaalka Serie A-da.

Tababare Jose Mourinho ayaa si deg-deg ah ugu soo laaban doona shaqada tababaranimo kadib markii uu todobaadyo waayay shaqada Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here