DEG-DEG: Arsenal Oo Xaqiijisay Saxiixa Fabio Vieira

0
173

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Fabio Vieira kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fc Porto.

Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Fabio Vieira qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono Arsenal.

Xiddiga Fabio Vieira ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay samaysay kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaagan.

Saxiixa cusub ee Arsenal ayaa kooxda u xidhan doona Lambarka No.21 inta uu joogo kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Fabio Vieira soo xaadiri doono tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub todobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here