DEG-DEG: Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixeedii 2-aad Ee Xagaagan.

0
355

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa daafaca Gabriel Magalhães Kaas oo ay kala soo saxiixatay kooxda reer france ee Lille.

Daafaca 22 jirka ah ee reer Brazil ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah isaga oo kooxda u xidhan doona Lambarka No.6.

Gabriel Magalhães ayaa kooxda Arsenal u noqday saxiixii 2-aad ee xagaagan waxana ay kooxdu maanta ku dhawaaqday saxiixiisa kadib markii uu tijaabada caafimaadka u maray.

Kooxaha Arsenal ayaa saxiixa xiddiga 22 jirka ah ku garaacday kooxo ay ka mid yihiin Man United isaga oo doortay in uu u ciyaaro Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here