Dayax-gacmeedkii Shiinaha 00 dhulka ku soo dhacay

0
237

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Haraaga burburka Dayax-gacmeed uu leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku soo dhacay dhulka, gaar ahaan qeybo katirsan baddaha Hindiya iyo Baasifigga, sida ay sheegeen saraakiil ka kala tirsan Mareykanka iyo Shiinaha.

Wakaaladda Hawada Sare ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay in inta badan haraagii Dayax-gacmeed la yiraahdo Long March 5 ay ku gubteen hawada sare, waxa ayna sheegtay in Badda Sulu ee ku taal badweynta Pacific-ga ay tahay halka u uku soo dhacay.

Khubarada hawada sare ayaa horey u sheegay inay aad u yar tahay suurtagalnimada in Dayax-gacmeedkaasi uu ku soo dhaco meel ay dadku ku badan yihiin.

Wakaaladda hawada sare ee Shiinaha ayaa sheegtay in haraaga burburka Dayax-gacmeedkaasi uu ku soo aadan yahay aag ku yaal Badda Sulu – bariga jasiiradda Filibiin ee Palawan ee ku taal waqooyiga Pacific.

Gantaalladii u dambeeyay ee xarunta hawada sare ee Shiinaha ay hawada u dirtay loona yaqaan Tiangong waxaa dhammaantood ka maqanaa xakamaha awoodda dib-u-soo-celinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here