Dayax-gacmeed loo diray cirka oo laga damacsan yahay inuu ka takhaluso dhagax halis ah.

0
268

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dayax-gacmeed ayaa loo diray howlgal lagu tijaabinayo tiknoolojiyad laga damacsan yahay inay mar uun ka takhalusto dhagax halis ah.Howlgalka Dar oo ay billowday shirkadda Nasa ee hawada sare u qaabilsan Mareykanka ayaa lagu soo eegayaa sida ay u adag tahay in dhagaxaas laga joojiyo inuu kusoo dhaco dhulka.

Dayax-gacmeedka ayaa ku qarxi doona shey lagu magacaabo Dimorphos si loo arko inta uu la egyahay xawaarihiisa iyo sida marinkiisa looga leexin karo.

Haddii dhagaxan uu kusoo dhaco dhulka waxa uu khasaare musiibo ah gaarsiin karaa dhul baaxad weyn oo la eg qaarad dhan.Dabayaaqadii bishii November ayaa la diray gantaalka Falcon 9 oo xambaarsan dayax-gacmeedka, kaas oo ka baxay saldhig ku yaalla gobolka California.

Waa isku daygii ugu horreeyay ee lagu damcay in shey hawada sare jira marinka looga weeciyo, iyadoo ujeeddadu ay tahay in la barto qaabka loo difaaci karo dhulka. Kelly Fast, oo ka tirsan xafiiska difaaca meeraha dhulka ee hay’adda Nasa ayaa sheegtay Howlgalka Dart, ay ku baxeyso lacag dhan $325m (£240m)kaas oo lagu bartilmaameedsanayo labo dhagax oo ku wareega meel isku dhow.

Labada dhagax midka weyn, oo lagu magacaabo Didymos, ayuu cabirkiisu yahay 780 oo mitir ballac ahaan, halka midka yar ee dariska la ah uu dhan yahay 160 mitir. Dayax gacmeedka ku guda jira howlgalka Dart ayaa ku socon doona wareeg u gaar ah.

Dart ayaa la sheegay ku qarxi karo dhaxaga isagoo xawaarihiisu yahay 15,000mph (6.6 km/s). Taasi waxay baddali doontaa xawaarada uu dhagaxa ku wareegayo oo laga dhimayo wax yar oo la eg hal milimitir ilbiriqsigiiba – sidaasna waxaa laga weecinayaa marinkiisa. Waa isbaddal aad u yar balse ku filan in laga hortago sidii uu ugu soo dhici lahaa dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here