Dawo lagu daaweeyo Xasaasiyadda laga qaado lawska oo Mareykanka ansixiyay

0
310

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Mareykanka ayaa ansixiyay dawadii ugu horreysay ee loogu talagalay xasaasiyadda ay lawska ka qaadaan dadka, gaar ahaan carruurta.

Dawada oo lagu magacaabo AR101, ama Palforzia, waxaa laga qaataa afka, iyadoo carruurta laga siinayo wax aad u yar, balse waxay sare u qaadeysaa nafaqada lawska muddo lix bilood ah, waxaana loo baahan yahay in dhakhtar uu si dhow ula socdo xaaladda qofka.

Markaa ka dib, dadka isticmaalaya waa in ay qaataan maalin kasta si jirkooda uu ugu dulqaato xasaasiyad ka dhalan karta cunidda lawska.

Dawadan ma wada bugsiineyso xanuunka, seynisyahannada sameeyayna, waxay ka digayaan xasaasiyadda suuragalka ah in ay ka dhalato oo halisteeda ay sii jiri karto.

Bukaannada waa in ay sii wadaan ka fogaanshaha cunista lawska.

Lawska waa cuntada laga qaado xasaasiyadda ugu badan, iyadoo tirada dadka ku xanuunsada lawska ay sare u sii keceysay sannadihii la soo dhaafay.

In kastoo horey loo sameeyay tijaabooyiin la xiriiray daweynta xasaasiyadda lawska, haddana dawada waa middii ugu horreysay ee ay ansixiso hay’adda Cuntada iyo Dawada Mareykanka ee FDA. Qeybaha kale ee caalamka weli looma fasixin isticmaalka dawadaas.

Palforzia, oo loo ogolaaday in la siiyo carruurta da’dooda ay u dhexeyso 4 illaa 17 sano, waa budo lagu darayo cuntada.

Sannadkii la soo dhaafay, seynisyahannada jaamacadda Kin’s College ee London ayaa bukaannada waxay siinayeen dawo difaac ah balse aan si dhab ah u daweyn karin xanuunka xasaasiyadda ah ee laga qaado lawska. Dawadaas waxay waxtar yeelaneysaa marka uu bukaanka si joogto ah u isticmaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here