David Silva oo 10 sano kaddib dib ugu laabtay horyaalka Spain

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda reer Spain ee Real Sociedad ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay ciyaaryahankii hore kooxda Manchester City ee David Silva.

Real Sociedad ayaa war rasmi ah ay ku shaacisay website-keeda waxay ku sheegtay inay heshiis la gaartay David Silva isla markaana uu u saxiixay qandaraas labo sano ah kaasoo gaaraya ilaa iyo 2022

David Silva ayeey ka dhigan tahay ku biiritaankiisa kooxda Real Sociedad, inuu dib ugu soo laabtay jawiga horyaalka La Liga ee dalka Spain, kaddib muddo 10 sano uu ka maqnaa.

Waxaa xusid mudan in David Silva uu horay ugu soo ciyaaray kooxaha Valencia, Eibar iyo Celta de Vigo ee dalka Spain, ka hor inta uusan ku biirin Manchester City.

Laacibka reer Spain ayaa mudada 10-kii sano uu xirnaa maaliyada Sky Blue wuxuu kula guuleystay horyaalka Premier League 4 jeer, Carabao Cup 5 jeer ah, Community Shields oo labo jeer ah iyo koobka FA Cup oo labo jeer ah..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here