David Seaman Oo Ramsdale U Sheegay Sababta Ay Tahay In Uu Isaga Tago Arsenal.

0
84

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Halyeeyga Arsenal David Seaman ma arki karo Aaron Ramsdale oo doonaya inuu ahaado Goolhayaha 2-aad ee David Raya.

Laakiin waxa uu aaminsanyahay in bixitaankiisa January ayna ahayn mid suurtagal ah.

“Haddii uusan u ciyaarin Arsenal waxay saameyn doontaa fursadihiisa [England]”ayuu Seaman yidhi.

“Waa in uu boxo hadii uu Aaron doonayo in uu noqdo Goolhayaha 1-aad ee xulka qaranka England”.

“Waynu wada ognahay dookha 1-aad ee Mikel Arteta waana Goolhaye Raya sidaas darteed waa in uu Ramsdale isaga tago kooxda”.

Ramsdale ayaan u ciyaarin Arsenal tan 4-tii kulan ee ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here