David Luiz Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Arsenal, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugay?

0
578

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Daafaca David Luiz ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo hal sano ah todobaad kadib markii uu qaab ciyaareed xun soo bandhigay kulankii Man City.

Xiddiga reer Brazil ayaa sabab u ahaa 2 gool oo ka mid ah 3-dii gool ee laga dhaliyay Arsenal kulankii Man City kadib markii khalad sameeyay goolkii 1-aad ka hor inta uuna rikoodhe galin qaybtii dambe.

Laakiin David Luiz ayaa laga saxiixday heshiis cusub oo hal sano taas oo ah arin la yaab leh marka loo eego sida ay taageerayaashu u weerareen xiddiga kadib kulankii Man City.

Haa heshiiska cusub waxa uu imanayaa wakhti adag laakiin arimo sharci ayaa la xidhiidha”.

“Kooxdu waxa ay isku dayaysaa in ay dhamaystirto heshiiska cusub saacaha soo socda, wax dookh ah ma haysano, waa in aan heshiis cusub ka saxiixano Luiz sabab la xidhiidha dhaaawacyada badan ee kooxda soo wajahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here