David de Gea Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Man United Ee Horyaalka Premier League.

0
271

David De Gea ayaa rumeysan in Manchester United ay ugu dambeyn xilli ciyaareedkaan dib ugu soo celin karto Old Trafford horyaalka Premier League.

Kooxda Man United ayaa bar-baro la gashay kooxda Man City kulan ay si fiican u ciyaareen kadib markii laga reebay tartanka champions League.

Red Devils ayaa kaalinta 8-aad kaga jirta horyaalka premier League laakiin kaliya 4 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Tottenham iyo Liverpool.

Isaga oo la hadlaya saxaafada kadib kulankii Man City ayuu De Gea yidhi”Waxa aan ahayn kuwo fiican kulankii Man City”.

“Haatan waxa aan aaminsanahay in uu sanadkan horyaalku yahay mid furan kooxo badana ku tartamayaan horyaalka, sidaas darteed waa in aan ku riyoono, waa in aan rumaysnaano in aan ku guulaysan karno horyaalka sanadkan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here