Daryeel Noocee ah ayey u baahan yihiin Caruurta derba jiifka ah?

0
423

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waalidka iyo qofka kale ee xil hayaha xannaanadda cunugga ayey saaran tahay mas’uuliyada xanaanada carrurta, carruurta ay xaq ku leeyihiin daryeelid, xannaanayn, badbaadin iyo barbaarin wanaagsan.

Waalidiinta badankooda jacaylka ay carruurtooda u qaban ayaa ah arrinta ugu muhimsan noloshooda. Cunug kasta wuxuu u baahan yahay qof waalid ah iyo qof wayn. Qofka wayn wuxuu cunugga siinayaa hogaamin, dhiirigelin iyo jacayl. Mida kalena waxuu qofka wayn cunugga u yeelayaa xaddayn. Kalsooni qabka cunugga waa waxeey ku xiran tahay qaabka loo soo barbaariyay, taasoo aad muhim u ah. Cunugga hab wanaagsan ku soo barbaaray wuxuu ku guulaysta waxbarashada iyo nolasha mustaqbalka.

Caruurta Soomaaliyeed waxay ku sugan yihiin dhibaatooyin aad u xooggan ooy ka mid yihiin in lagu shaqeysto iyagoon gaadhin da’da shaqada, barakac, darxumo, waxbarasho la’aan iyo in la duudsiiyo xaquuqaha aas-aasiga ah maalinwalba.

Qaar badan ayaa derbajiif ku ah magaalooyinka oo ay ku cabeyaan daroogo aan u wanaagsaneyn caafimaadkooda, waxeyna taasi ku waayeen daryeelkii ay u baahanaayeen.Hadaba maxaa keena in caruurtu derba jiif noqdaan. Cumar macalin Cabdi oo ah gudoomiyaha ururka qareenada koonfur galbeed ayaa radio arlaadi uga warbixyey.

Waxaa jira caqabado ay la kulmaan qoysaska qaarkood taasi oo sababta in ubadka uu halkaasi ku waayo daryeel barbarian maadaama cunigii aabihiisa iyo hooyadiisa ay kala tageen, waa tan Saciido Mohamed Nor oo ka mid ah waaladiinta ku nool magaalada baydhabo oo ka warantay.

Cumar dhgegey ayaa sheegay in ay muhiim tahay in waaladiintu ay fahmaan barbaarinta ubadka, bulshadana laga wacyegeliyo in ay meel ugu soo wada jeesadaan caruurta dayacan ee derbijiifka ku ah magaalada dhaxdeeda.

Radio Arlaadi:-Abdirahman Yusuf Hassan Soori

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here