Daraasad lagu ogaaday daawo dhireedka miisaanka yareeya in aysan wax tar laheyn.

0
461

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Daraasad heer caalami ah oo lagu sameeyey dawooyinka dhirta ka sameysan ee miisaanka yareeya ayaa muddo 16 sana kaddib soo jeedisay waxtarka dawooyinkaasi inaan la xaqiijin karin, marka la fiiriyo natiijada daraasadda ka soo baxday.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen iney ogaadeen qaar ka mid ah Dawo-dhireedka nafaqada laga helo ay sabab u noqdaan miisaanka qofka inuu yaraado, balse caafimaad ahaan uu qofku dawooyinkaasi ka faa’idin.

Waxayna ku baaqeen in cilmi-baadhis qoto dheer lagu sameeyo dawo-dhireedka miisanka yareeyo si loo ogaado badqabkooda muddada dheer.

Suuqyada caalamka waxaa si aad ugu soo badanaya kala iibsiga Dawo-dhireedka laga sameeyo dhirta ama kheyraadka xoolaha ee loo isticmaalo kaniin ahaan ama dareere.
Sanadkina dawo-dhireedka suuqyada caalamka lagu kala iibsado qiima ahaan waxaa lagu qayaasaa iney ku kacdo lacag dhan $41 balyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here