Daraasad cusub oo khatar ku tilmaantay isticmaalka Baraha Bulshada

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Isticmaalka badan ee baraha bulshada wuxuu dhaawac u geysanayaa maskaxda dhalinyarada, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo lasoo saaray.

Cilmi baadhis ay sameysay hayadda waxbarashada iyo fayo-dhowrka ayaa diiradda lagu saaray barbaarta dhigata iskuullada hoose dhexe.

Wiilashada iyo gabdhahaba waxyeello caafimaad way kasoo gaartaa marka ay da’dooda tahay 14 sano, laakiin gabdhaha ayaa markaas kaddib ay shaqada maskaxdooda hoos u sii dhacdaa, sida ay daraasaddu ogaatay.

Waxay khubaradu sheegeen in qodob kale oo halistaas caafimaad sii xoojinaya uu yahay jimicsi la’aan – gaar ahaan xilligan lagu jiro cudurka safmarka ah oo dhaqdhaqaaqyada ay yaryihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here