Dalka Sri Lanka oo lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

0
274

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, ka dib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay qalalaasaha dhaqaale xume ee ka taagan dalkaasi.

Madaxweeyne Rajapaksa, ayaa go’aankan ku sheegay inuu u qaatay danaha guud ee amniga dalka, ilaalinta nidaamka iyo ilaalinta agabka iyo adeegyada aasaasiga ah.

Intii ay socdeen Rabshadahan ka dhashay shidaal yarida, qiimaha nolosha oo sarreeya iyo koronto la’aanta, ayaa waxay waxyeello u geysteen hanti dadweyne iyo goobo lagu bixiyo adeegyada dadweynaha..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here