Dalka Papua New Guinea oo qeylo dhaan u diray WHO

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Papua New Guinea wuxuu codsaday in WHO ay la soo gaarto caawinaad maadama dowladdu ay ka walwalsantahay in uu aad ugu faafo feyraska Korona.

Xukuumadda aya sidoo kale amartay in dadku ay waajib ku tahay xirshada af-xirka magaalada Port Moresby oo ah caasimadda dalkaas, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyinka lagu yareynayo faafitaanka feyraska sida uu maanta qoray Wargeyska Qaranka dalkaasi.

Ra’iisal wasaaraha dalkaasi James Marape ayaa isna laga soo xigtay maruu shacabka lahadlayey in uu yiri
“Dhammaan tallaabooyinka caafimaad ee la idiin soo marinayo warbaahinta waa in aad u qaadataan sida ay tahay, ha is dhiibina”

Sida uu qoray Wargeyska waxaa la joojin doonaa munaasabadaha habeenki la isugu yimaado, inkastoo ay weli sii furnaan doonaan Kaniisadaha, maqaayadaha iyo baararka.

Papua New Guinea ayaa 24 kii saac ee ugu dambeysay diiwan gelisay 3 kiis oo cusub taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 30 kiis, xukuumadda ayaa ka digeysa in uu aad ugu dhex faafo bulshada waxa ayna WHO ka dalbatay caawinaad deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here