Dalalka Afrika Qaarkood oo Macaluul Wajahaya

0
225

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Cunnada iyo Beeraha iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa sheegay in dalalka Burkina Faso, Koofurta Suudaan, Nayjeeriya iyo Yemen ay qarka u saaran yihiin macaluul daran.

Hay’adaha ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in dadka ku nool afartaasi dal ay wajahayaan cunno la’aan iyaga oo ka digay in qalalaasaha ka jira deegaannadaas iyo gargaarka oo aad u yar ay sare usii qaadi karaan halista macaluusha.

Qalalaasaha, burburka dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo faafitaanka xanuunka COVID-19 ayay hay’aduhu ku sababeeyeen furaha macaluusha iyo cunna yarida.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 16 dal oo dunida ku yaalla ay iyaguna ay halis ugu jiraan in ay sare u kacdo heerka macaluushooda kuwaas oo kala ah Venuzualla, Haiti, Ethiopia, Somalia, Cameroon, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Maali, Nayjar, Sierralion,Koongada Dimoqraadiga,Muzambique, Zimbabwe, Suudaan, Lubnaan, Suuriya iyo Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here