Dal go’aan ka gaaraya in tallaalka Covid-19 uu xalaal yahay iyo in kale

0
306

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Golaha Culimada Muslimiinta ee waddanka Indonesia ayaa laga dhowrayaa in ay soo saaraan go’aan ku aaddan in Tallaalka cudurka Covid-19 uu yahay mid xalaal ah oo aan ka hor imaaneynin diinta Islaamka, ka hor inta aan waddankaas laga billaabin barnaamijka baaxadda leh ee shacabka lagu tallaalayo.

Isbuuca soo socda ayey Indonesia qorsheyneysaa in ay isticmaasho tallaal lagu farsameeyay waddanka Shiinaha.

Waddankan oo ah dadka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan guud ahaan caalamka ayaa sheegay in 13-ka bishan January la guda gali doono howsha tallaalkaas oo ay ilaa hadda ka heystaan in ka badan 3 milyan oo xabo oo ay ka heleen shirkadda Sinovac Biotech ee laga leeyahay Shiinaha.

Muranna la xiriira in tallaallada loo soo saaro cudurrada ay waafaqsan yihiin shareecada Islaamka iyo in kale ayaa horay u gilgilay qaar ka mid ah waddamada Muslimiinta, waxaana ka mid ahaa markii 2018-kii ay Golaha Culimada dalka Indonesia soo saareen fatwo ay ku sheegayeen in tallaalka jadeecada uu mamnuuc ku yahay diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here