Dal doonayay in uu dhisto caasimad cusub oo qorshahaasi hakiyay

0
230

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Indonesia ayaa hakisay qorsha ay ku doonaysay inay ku dhisto caasimad cusub oo badasha magalada madaxda Jakarta.

Xukuumadda ayaa go’aankan sabab uga dhigtay feyriska Corona oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dalkaasi.

Saraakiisha dalkaasi ayaa waxay sheegeen in mashruucani balaayiinka doolar ah oo la doonayay in caasimad looga dhiso jasiiradda Borneo imika la joojiyay.

Madaxwayne Joko Widodo ayaa sanadkii aanu soo dhaafnay shaaciyay in mashruucani uu bilaaban doono sanadda 2021.

Madaxwyene Joko Widodo ayaa go’aankaasi waxa uu ku sababeeyay inuu ku yimid saxmadda faraha badan ee magaaladaasi ka jirta iyo in magaaladu ay ka mid tahay magaalooyinka sii dagaya ee caalamka.

Magaalada madaxda Indonesia ee Jakarta – oo hoy u ah in ka badan 10 milyan oo qof .
Magaalada Jakarta ayaa ku taalla jasiiradda saxmadda badan ee Java.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here