Dal Afrikaan ah oo gubay kumannaan kun oo ah daawooyinka la isku cadeeyo, kuwaas oo sababi kara kansar

0
114

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dowladda Mozambique ayaa gubtay 10,000 oo daawooyinka la isku cadeeyo ah kuwaas oo khatar ku ah caafimaadka, amarkan ayaa imaanaya ka dib markii uu Midowga Yurub soo saaray digniin la xirriirta arrinkan.

Dowladda ayaa sheegtay in ay daawooyinkan ay ku jiraan walxo keeni kara cudurka kansarka, sidoo kalana ay sababi karaan dhalmo la’aan.

Midowga Yurub ayaa ka digay alaabooyinka la isku cadeeyo horraantii Sebtembar, ayay tiri Sheila Mercis, oo ah kormeere ka tirsan hay’adda sharciyeynta dawooyinka ee dalka Mozambique.

Dumarka, gaar ahaan kuwa uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee isticmaala daawooyinkan ayaa halis ugu jira khatar caafimaad sababtoo ah mararka qaarkood waxaa suura gal ah in xiliga hore ee la bilaabayo isticmaalka daawooyinkan uusan qofka isku arkin wax calaamado ah balse qofka ay soo wajahdo caafimaad daro marka uu adeegsado muddo kooban kadib.

Daawooyinka maqaarka lagu caddeeyo waxay inta badan ka kooban yihiin maaddooyin sun ah iyadoo marka la isticmaalo muddo dheer ay ka dhalan karaan khataro caafimaad oo aad u daran maadaama ay awood u leeyihiin inay waxyeello u geystaan maqaarkaaga waxayna keenaan xanuuno nafta halis gelinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here