Dadka uu ku dhacay Karoona Feyris oo kor u dhaafay 25 Milyan oo Kiis

0
370

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kiisaska cudurka safmarka ah ee Koroona Feyris ayaa maanta oo Axad ah gaaray 25 Milyan oo kiis ay sida ay baahisay wakaaladda Wararka ee Reuters.

Dalka Hindiya ayaa noqday dalka ugu badan ee maalin qura laga helay kiisaskii ugu badnaa ee cudurka Koroona Feyris waxa ayna Hindiya noqoneysaa xudunta cudurka oo haatan ah Mareykanka iyo Laatiin Ameerika.

78,761 qof oo reer Hindiya ah ayuu maalin qura uu ku dhacay cudurka Koroona tiradaas oo ka badan tiradii dalka Mareykanka ee aheyd 77,299 kiis oo bartimihii Luuliyo laga helay dalka Mareykanka.

Tirada rasmiga ah ee dadka qaba cudurka Koroona ayaa haatan ugu yaraan shan jeer ka badan tirada sanaaha ah ee uu ku dhaco xanuunka Hargabka daran (Influenza).

Dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee dunida ugu dadka badan ayaa noqonaya dalka sadexaad ee ugu badan tirada dadka qaaday cudurka waxaa kaliya ka horeeya dalalka Mareykanka iyo Baraasiil waxaase xusid mudan inuu labada dalba kaga horreeyo tirada maalinlaha u qaada cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here