Dadka Namibia oo looga digay inay saxarada maroodiga u isticmaalaan ‘daawada’ Covid-19

0
262

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasiirka Caafimaadka Namibia Kalumbi Shangula ayaa dadka uga digay in saxarada maroodiga ay u isticmaalaan “dawada” Covid-19.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta dawo-dhaqameedka ayaa sheegay in saxarada maroodiga la isku uumin karo si la isaga daweeyo hargabka, madax xanuunka iyo dhiigga sanka ka soo dareera, balse saynis ahaan lama tijaabin arrintaas.

Dalkan ku yaalla koofurta Afrika ayaa waxaa ilaa iyo haatan laga soo sheegay 4,464 oo kiisaska coronavirus ah iyo 37 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here