Dad xabsiga loo taxaabay moos ay cuneen aawgeed

0
227

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dadka reer Suuriya ayaa baraha bulshada ee Turkiga ku saameeyay qosol iyo kaftan ay la hor imaanayeen kaamirada.
Dad badan oo kasoo jeeda Suuriya ayaa arrintaas darteed xabsiga loogu taxaabay, waxayna wajahayaan in laga musaafuriyo Turkiga.

Mooska ayaa hadda astaan u noqday kala qaybinta shacabka, iyadoo arrintan ay abuureyso cadaawad ka dhan ah bulshada reer Suuriya ee ku nool Turkiga.

Muuqaallo ciyaar ciyaar laga dhigay oo lagu soo duubay TikTok ayaa lagu arkayay iyagoo moos cunaya saaxiibbadooda kalena ku xujeysanaya inay sidaas soo sameeyaan.
Marka la eego muuqaalladan waxa ay u muuqdaan kuwo aan wax dhib ah lahayn, oo waafaqsan shuruucda TikTok ee maalmahan. Balse iyadoo la ogyahay in hadal heyntu ay imaato kaddibna dhammaato, muuqaalladan waxay noqon karaan kuwo muddo dheer saameyn ku yeesha qaar ka mid ah dadka reer Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here