Dad tahriibeyaal ah oo lagu gubay xeebta Liibiya.

0
170

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya in baaritaan wax ku ool ah lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.

Meydadka muhaajiriinta ayaa Jimcihii laga helay doon ku gubatay meel u dhaw xeebta magaaladaas.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay inay u badan tahay in muhaajiriintaas ay ku dhinteen dagaal u dhexeeyay laba koox oo “magafayaal” ah.
Liibiya ayaa sanadihii la soo dhaafay marin muhiim ah u ahayd dadka doonaya inay tahriib ku galaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here