Dad Ku Geeriyooday Dhulgariir Ka Dhacay Pakistan

0
229

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay ilaa 300 oo kalena waa ku dhaawacmeen ka gadaal markii uu ku dhuftay koofurta Pakistan, dhul gariir xoogan iyadoo in badan oo ka mid ah dadka geeriyooday ay hurdeen, sida uu sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka dhintay badankoodu ay ahaayeen haween iyo carruur.

In ka badan 100 cariish ayaa dumay, iyada oo dhismayaal badana ay soo gaartay waxyeello, waxaana muuqallada laga siidaayay telefishanka ay muujinayeen burbur soo gaaray guryaha magaalada Hamia oo uu dhulgariirku ku dhuftay.

Sohail Ansar oo ah guddoomiye ku xigeenka magaalad kale ee Hamai ayaa wakaaladda wararak ee Reuters u sheegay in boqolaal qof uu guryo la’aan dhigay dhulgariirkan.
Diyaarad ay leeyihiin ciidmada cirka Pakistan ayaa ugu yaraan sagaal ka mid ah dhaawacyada halista ah u qaaday magaalada Quetta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press Pakistan.

Pakistan ayay dhowr jeer oo hore ayka dhaceen dhulgariirro sida midkii ka dhacay magaala Quetta 1935-kii oo cabbirkiisu ahaa 7.7 kaas oo ay ku geeriyoodeen 30,000 ilaa 60,000 oo qof, burburiyayna magaalada inteeda badan.

Sanadkii 2006, ilaa 73,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.6 kaas oo ku dhacay qiyaastii 95-kilo miter meel waqooyi-bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here