Dad ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Masar

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wakaaladda tareenka ee dalka Masar ayaa sheegtay ugu yaraan 32 qof iney ku dhinteen in ka badan 100 qofna ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay bartamaha dalka Masar.
Laba tareen oo rakaab siday oo marayey gobolka Sohag ayaa isku dhacay kaddibna rogmaday.

Wakaaladdu waxay sheegtay bareegga tareenka xagga hore kaga xirnaa ‘shaqsi aan la garaneyn’ inuu furay taasoo keentay tareenka hore inuu kii ka dambeeyey uu ku dhaco.
Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi wuxuu ballan qaaday ciddi mas’ulka ka ahayd arrintaasi in ciqaab adag la marsiin doono.

“Cidwalba oo sababteeda lahayd shilkan xanuunka badan ee ka dhalaty dayac, musuqmaasuq ama wax kasta oo la mid ah waa in sida ugu dhasiyaha badan la marsiiyaa ciqaab falkooda u dhigma” ayuu yiri al-Sisi farriin uu Twiterkiisa uu so dhigay.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinaya tareen ku rogmaday meel biyo mareen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here