Dad ka badan hal milyan oo qaniinyo mas ugu dhintay Hindiya

0
268

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dad tiradooda lagu qiyaasay 1.2 milyan oo ruux ayaa qaniinyada masaska ugu geeriyooday dalka Hindiya gidihiisa muddadii 20-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay, sida ay muujisay daraasad cusub.

Ku dhawaad kalabar ka mid ah dadka dhintay waxay da’dooda u dhaxeysay 30 ilaa 69 sano, afar meeloo meel ka mid ahna waxay ahaayeen carruur, sida ay daraasadda caddeysay.

Saddex nooc oo ka mid ah masaska, oo uu ku jiro midka loo yaqaanno kobra ayaa sabab u ah dhimashada ugu badan. Tirada kale ee soo hartay waxaa dilay ugu yaraan 12 nooc oo kale oo masas ah.

Weerarro badan oo masaska ay geysteen ayaa durbadiiba isu baddalay dhimasho, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay yihiin meelo miyi ah oo aan si dhakhso ah looga heli karin adeeg caafimaad.

Kalabar ka mid ah dhimashadaas waxay dhacday xilliyada fatahaadaha oo ah muddada u dhaxeysa bilaha June iyo September, xilligaasoo masaska lagu yaqaanno inay dibadda usoo baxaan. Inta badan dadka dhintayna waxaa laga qaniinay lugaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here